Fanaanad Laki-Xaaji Waceys iyo Farmaajo oo Holland ku kulmay kuna amaanay Heestii Xasuuq ee ay u qaaday Madaxda Somalida iyo Kenya

Fanaanadda codka macaan ee sanadahan laga daba-dhacay  Laki-Xaaji Waceys iyo Farmaajo ayaa  Holland ku kulmay iyadoo  Fanaanadda  taageertay Siyaasadda Qunyar-Socodka ee Reysal-wasaarihii hore ee Dawladda KMG.

Akhriso oo Daawo Heesta uu Farmaajo ku amaanay Fanaanadda ee ay u qaaday Madaxda Soomaalidda iyo Dawladda Kenya

Hoos ka akhriso Ereyadda (Heestii-Xasuuq oo Ha oo Ooyin)Hoos ka

Daawo:Heesta oo Dhameystiran:

Soomaalidan wada Xaqiran

Xumaha lagu wada faliyo

Xaqoodii lagu Tuntoo

Xeryaha Yeyda ugu Xaniban.

Dadkan la Xasuuqayee

Koley Xaamilo ku tahay

Xargaha lagu jiidayoo

Xinjirta Hooyadda la qubay,

Hadaydaan Xisaabtameynin

Xarago maahee Kursigu

Xijaabadda soo xirtoo

Xilka noo dhiga halkaa.

Dadkayga la Xumeynayee

Xoog-sheegadka lagu hayo

Dhiigoodii la Xalaashaday

Xanuun adag igu hayee

Xafiis Madaxweyne iyo

Koley Xildhibaan ku tahay

Xukuumadii aan la heyn

Xogtoodii lama hayee

Hadaydaan Xisaabtameynin

Xarago maahee Kursigu

Xijaabadda soo xirtoo

Xilka noo dhiga halkaa.

Xildhiga noo dhiga Bartaa

Daawo:Heestii uu Farmaajo ku amaanay Fanaanadda inay u qaaday Soomaalida lagu dhibayo Kenya iyo Siyaasiinta Soomaaliyeed oo iska daawanaya Dhibka Somalida:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

WpCoderX