Safiirka Somalia u jooga Turkiga oo lagu eedeeyey inuu musuqmaaso Deeqaha Waxbarashadda

Ardayda Soomaalida wax ka barata dalka Turkiga ayaa ku eedeysay Safiirka Somalia u jooga dalka Turkiga, Mohamed Mursal Sheikh inuu musuqmaasaqo Deeqaha Waxbarashadda ee ay Dowladda Turkiga ugu yaboohdo Ardayda Soomaalida.

 

C/xakiim Cilmi ayaa u sheegay ayaamo Radio inuu Danjiraha deeqaha waxbarashadda siiyo Ehelladiisa, iyadoo Ardayda dhigta Jaamacadaha Turkiga badankooda yihiin kuwo ku qabiil ah Safiirka.

 

“Waxaa la igu wargeliyey inaan la xiriiriyo si aan xaqiijin uga helo Deeq Waxbarasho oo aan ka helay Jaamacadda Istanbul University. Laakiin, markii aan imid waxaan arkay inwarqadahayga la isticmaalay oo magacayga qof kale lagu beddelay” ayuu yiri C/xakiim Cilmi oo xusay inuu Safiirku ku takri-falayo awoodiisa uu ku naas-nuujinayo dadka ehelkiisa ah oo keliya.

 

Waxa uu ugu baaqay Dowladdaha Turkiga iyo Somalia inay wax ka qabtaan Dhaqan-xumidda iyo musuqa Nidaam-beeleedka ee uu Danjiraha Somalia u jooga dalka Turkiga u maamulo Deeqaha Waxbarashadda ee Dowladda Turkiga ugu deeqday guud ahaan Soomaalida.

 

Dowladda Turkiga waxay sannad kasta Deeq Waxbarasho siiyaan boqolaal arday Soomaali ah, kuwaasi oo ka kala yimaada guud ahaan Goballadda Somalia.

By  Nuur Ismail Sheikh

Muqdisho  Soomaaliya

https://www.facebook.com/sahalmedia

sahalmedia@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

WpCoderX